
Beelaha Dhulbahante iyo Fiqi Shinni ayaa cod midaysan ku go’aamiyay in Ciidamada Somaliland ay ka baxaan Gobolka Sool.
Shir ay saakay isugu yimaadeen cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Dhulbahante iyo Fiqishini oo ka qabsoomay magaalada Laascaanood ayaa bayaan kasoo baxay lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay isaga baxaan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool.
Labada beelood waxay sheegeen inay isugu imaanayaan shirwayne wadatashi ah oo looga tashanayo masiirka iyo aayaha gobolka Sool, waxayna ku baaqeen intaas wixii ka horreeya in la ilaaliyo kala danbaynta iyo amniga.
Qodobada kasoo baxay shirkaan waxaa lagu sheegay in Somaliland ay qaadanayso mas’uuliyadda dadkii lagu laayay magaalada Laascaanood intii mudaharaadyadu socdeen.
Halkaan ka daawo Muuqaalka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.