Waa in Maamulka Somaliland La Baxo Ciidammada Ka Jooga Sool

Faallo (PP) — Maxaa la gudboon in maamulka Somaliland uu sameeyo si uu u xalliyo colaadda Laascaanood? 15 sano oo maamulku joogay Laascaanood ma horseedin talo ka baxsan caaradda qoriga maleeshiyo beeleedyada kala duwan ku sugan Laascaanood. Maamulka Somaliland wuxuu Laascanood ku soo galay taageerada koox maleeshiyo ah oo markii dambe koox kale ay ka awood-badisay. Siyaasadda nabad-ku-cabsiinta (peaceocracy) oo biyo-dhaceedu yahay in gobolllada qaar lagu sunto dhul argagixiso inuu yahay ayaa si ba’an u sii saamaysay Sool. Ku tiirsanaanta hal maleeshiyo beeleed iyaduna waxay sababtay in askarta Somalilnad Laascaanood lagaga saaro muddo kooban.

Maamulka Somaliland waa aalad siyaasadeed oo ay maleeshiyada iyo siyaasiyiinta qaarkood ku adeegtaan Laascaanood dhexdeeda. Taasi macnaheedu waa: maamulka Somaliland kagama shaqeeyo Laascaanood doonista dadka; wuxuu ku tiirsan yahay hoggaanxumada dadka Laascaanood ku habsatay oo markii dambe ay kacdoon kaga soo horjeesteen. Dad isku danaysanayay siyaasad iyo dhaqaale ahaan ayaa magaca Somaliland kuwada joogay Laascaanood; ma jirin talo siyaasadeed oo isla xisaabtan iyo hufnaan ku dhisan.

Waa in maamulka Somaliland aqbalo in  dhabbaha uu qaaday siyaasad ahaan uu sababay xaaladda maanta taagan oo keeni karta dagaal dhiig badani ku daato haddii siyaasi sheeganaya Sool uu taageero in ciidammada Somaliland ay  xoog ugu soo noqdaan Laascaanood.

Siyaasiyiinta jujuubka aamminsan ee Sool qaarkood kuna tiirsan Somaliland waxay hadda wadaan inay ku doodaan in Sool tahay dhul Al-shabaab ay deggan tahay. Waa dood ay la tahay inay Somaliland kaga helayso Maraykanka Iskaashi Amni (security partnership). Waa in dadku la hadlo siyaasiyiinta beesha Sool ee doonaya badbaadinta jiritaanka maleeshiyo beeleedyada, iyo in Laascaanood laga dhigo dhul argagixiso ka hawlgasho, waana dhibaato ka sii daran “dhul lagu murunsan yahay” oo hadda Sool ku suntan.

Maamulka Somaliland xaq uma laha inuu dadka Laascanood ka fisho inay aqbalaan doodda ah in qof Garoowe ama Boosaaso ka yimid, tusaale ahaan, uu ajnabi ku yahay Laascaanood. Soomaaliya weli waa dal siyaasad iyo dhul ahaan mideysan. Midnamadu macnaheeddu ma aha in dadka goosashada doonaya lagu qasbo midnimo; goosasho doonistu, sidoo kale, macnaheedu ma aha in qof Soomaaliyeed loo diido xaqa uu ugu noolaan karo meel kasta oo dalkiisa ka mid ah kuna dhaadan karo haybta siyaasadeed ee uu calanka Soomaaliya summadda u yahay.

Dowladda Federaalka dhankeeda way  qaddarisaa isku qasbid la’aanta midnimada, in si gaar ah wax loo siiyo Somaliland iyo in la dhowro  jiritaanka hay’adaha siyaasadda Somaliland. Marka dadka Laascaanood ay leeyihiin “midnimada Soomaaliya ayaannu taageersannahay” waxay muujinayaan waajibka ka saaran dhowrista qarannimada Soomaaliya oo ka billaabata dhowrista xaqa nolosha iyo hantida ee muwaadinka.

Doodda in Somaliland ay dal gaar ah noqoto waxaa loo mari karaa dhowrista qarannimada Soomaaliya — in qofna aan loo diidin xaqa siyaasadda oo ka billaabanaysa in ay helaan hoggaamiyeyaal ay la xisaabtami karaan. Haddii maamulka Somaliland uu dhinaciisa dhowro mabda’an asaasiga ah, Waqooyigu wuxuu ka badbaadayaa colaad hoggaamin xumo ay abuurtay.

© Puntland Post, 2022.