Maxaa Iiga Baxay Hadalkii Mahad Cambaashe?

W/Q: Cali Axmed Aadan

Mahad Cambaashe wuxuu qirtay in maleeshiyadiisu dadka laysay

Laascaanood ( Faallo) — Hadalkii calaalacalka u badnaa ee Mahad Cambaashe xalay soo duubay si uu u badbaadiyo caaglayaasha kala daatay waxaa ku jirtay farriin uu u diray kuwa beegsada dadka loo bixiyay Horgaleyaasha (siyaasiyiin iyo hawladeenno u shaqeeya maamulka Somaliland). Wuxuu Mahad Cambaashe isa su’aalay sababta dileyaashu aysan u beegsan beesha Madaxweyne Muuse.

Wuxuu si kama’ ah u sheegay in dadka midnimada taageersan ee reer Sool aysan neceyb u qabin beesha Isaaq. Taas macnaheedu waa: Horgale ayaa xuddun u ah qorshaha Laascaanood ka dhigay meel dadka Soomaaliyeed qaarkood lagu tilmaamo ajnabi
waayo waxay ka soo jeedaan dhul Talyaani xukumi jiray!

Isbeddelka Laascaanood ka dhacay ma aha mid soo celin kara awooddii uu Mahad Cambaashe Laascaanood kaga sheegtay beelo badan inkastoo uusan Laascaanood ku dhalan. Ka hor Oktoobar 2007 Laaacaanood waxay ahayd degmo maleeshiyo beeleed gaar ah aysan ugu tun-weynayn. Beelaha hadda xaafadahooda gacanta ku haya oo arkay waxtarka qarannimada marnaba ma oggolaanayaan in dib loo dhiso maleeshiyada kala daatay oo hadda inta ka hartay ay joogaan Galbeedka Laascaanood. Ciidanka Somaliland oo uu Cambaashe markii hore dhigay duleedka qeybaha kala duwan ee Laascaanood si dadka loo cabsi-geliyo hadda ma joogaan.

Yaasiin Faratoon oo dhalasho Biritish ah haysta wuxuu u qareemayaa in maleeshiyo beeleedka Mahad Cambaashe hoggaamiyo ay ciidammada Somaliland ku soo celiyaan Laascaanood.

In maleeshiyadii Somaliland ay naasnuujinaysay ay qoriga ku jeediyeen askar beeleedka Somaliland waa cashar lama illowaan ah oo Laascaanood geliyay waji hor leh 20 sano kaddib markii Yaasiin Faratoon Yagoori ku ururiyay maleeshiyo beeshiisa ah oo noqotay tan maamulka Somaliland ku haysay Laascaanood. Siyaasi ama madaxdhaqameed ku baaqi kara in ciidammada Somaliland ku soo noqdaan Laaacaanood ma jiro.

Mahad Cambaashe marnaba lagama cafin doono dambiyada uu ka galay dadka Soomaalida. Laascaanood waxay ahayd magaalo ay maleeshiyadiisu dadka xiran jirtay si ay u baaddo, ku qabsato dhul Iwm. Wuxuu askar beeleedka ku tiirsa Somaliland ku tilmaamay “ciidan baraykaysan”.

Laascaanood waxay qarka u saaran tahay dagaal uu dhiig badan ku daato oo burbur badan keena. Eedda ugu weyn waxaa qaadi doona Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), jira 75 sano, oo adeer u ah Mahad Cambaashe. Faratoon waa hawlgab ku nool magaalada Bristol, sheegta inuu yahay Xildhibaan Laascaanood ka tirsan Golaha Wakiillada maamulka Somaliland. Inuu colaad huriyo ayuu Soomaaliya ugu noqday. Waa ayaandarro in muwaadin Biritayn u dhashay uu ka hurinayo dagaal sokeeye Laascaanood si uu u badbaadsho maleeshiyo beeleed uu isagu dhisay.

W/Q: Cali Axmed Aadan