Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya oo guddoon doortay

Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aya maanta guddoomiye u doortay xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf (Xuseen Iidow) oo ka soo jeedda Galmudug.

Sidoo kale Guddiga ayaa ku-xigeen u doortay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka soo jeeda Jubaland, halka ay xoghayn u doorteen Senator Siciid Cabdi Xuseen oo ka soo jeeda Somaliland.

Guddiga kor joogteynta dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah 10 xubnood oo ka kooban labada aqal, kuwaas oo kala ah.

1. Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh – Puntland
2. Xildhibaan Maxamed Xayle Axmed – Puntland
3. Xildhibaam Cabdulaahi Abuukar Xaaji ( Cabdullaahi Carab) – Jubaland
4. Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf (Xuseen Iidow) – Galmudug
5. Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xasan Waliid – Koonfur Galbeed.
6. Senator Cabdi Xasan Cawaale
(Qaybdiid) – Galmudug
7. Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) –Jubaland
8. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) – Jubaland
9. Senator Siciid Cabdi Xuseen – Somaliland.
10. Senator Xasan Xuseen Xaaji – Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST