Xoogagga Xaq u dirirka Beesha Dhulbahante oo si buuxda ula wareegay Laascaanood

Xoogagga Xaq u dirirka Beesha Dhulbahante  ayaa saaka si buuxda gacanta ugu haya Laascaanood kadib markii xalay Ciidamada Somaliland dagaal looga saaray magaalada.

Xoogagga Xaq u dirirka oo sugaya Amniga Shacabka ayaa sidoo kale dib u fasaxay Isgaarsiinta oo horay Somaliland uga xannibtay Shacabka Laascaanood.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Somaliland Nuux Taani oo xalay ka cararay gudaha Laascaanood ayaa hadda ku sugan Taliska Gooja-cadde halkaas oo uu ka wado abaabul dagaal oo ka dhan ah Beesha Dhulbahante.

Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale weli ku sugan qayba kamid ah Gobolka Sool waxaana sida muuqata foolanaysa xiisad dagaal oo u dhexaysa Ciidamada Somaliland iyo Beesha Dhulbahante.

PUNTLAND POST