Golaha Wasiirada oo ansixiyay hindise sharciyeedka NISA

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

Hindisaha la ansixiyay ayaa sharciyeynaya jiritaanka hay’adda oo aan horay u laheyn sifo sharci ah oo dhameystiran, iyadoo muddo 53 sano kadib uu sharcigan baabi’inayo xeer lamber 14 oo lagu sameeyay sanadkii 1970.

Sharcigan cusub ayaa hay’adda NISA ka dhigaya mid uu sharcigu ka sarreeyo garsooruhuna ka adag yahay, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse.

Kulankii maanta ee Golaha Wasiirada oo guddoomiyay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxay sidoo kale ku ansixiyeen hindise sharciyeedka aqoonsiga & diiwaangelinta dadweynaha, iyo heshiisyo ay wada gaareen Dowladda Soomaaliya iyo Masar oo la sheegay in ay la xiriiraan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, waxbarashada iyo arrimaha diinta & awqaafta.

PUNTLAND POST