
Xukuumadda Puntland ayaa burisay go’aan ka soo baxay maamulka Gobolka Bari oo lagu joojiyay shirarka siyaasadeed ee aysan fasixin dowladda.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa buriyay go’aankaas waxaana uu fasaxay shirarka siyaaasadeed haddii aysan wax yeelayn amniga Puntland.
Warqad ka soo baxday xafiiska wasiir Juxaa ayaa lagu caddeeyay in dadka reer Puntland xaquuq dastuuri ah u leeyihiin in ay qabsadaan shirar ay ku cabbirayaan ra’yigooda siyaasadeed.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.