shirkado ka qayb-qaatay nadaafada iyo horumarinta Garoowe oo shahaado sharaf la siiyay

Gudoomiyaha degmada Garoowe Hon Abdulkadir Geedi ayaa shahaado sharaf guddoon siiyay wakiilada shirkadihii ka qayb qaatay nadaafadda iyo horumarinta Garoowe.

Xubnaha shahaado sharafta la siiyay ayaa matalayay dhammaan shirkadihii ka qayb qaatay dayac-tirka suuqa INJI iyo ololihii nadaafadda caasimadda.

Shirkadaha ayaa sidoo kale qayb ka ahaa arrimaha horumarinta degmada Garoowe waxaana lagu abaal mariyay shahaado sharafyo.

Guddoomiyaha degmada ayaa sidoo kale dhammaan xubnaha shirkadaha matalayay uga mahadceliyay shaqooyinka ay la qabteen dowladda hoose.

PUNTLAND POST