Faahfaahin dheeriya ayaa laga helaya dagaal culus oo Caawa Laascaanood ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo xoogag ka tirsan Beesha Dhulbahante.
Xogaha ayaa xaqiijinaya in xoogagga hubaysan ay inta badan magaalada kala wareegeen Ciidamada Somaliland kadib dagaal qaraar oo saacado socday.
Ciidamada Somaliland ayaa sida la xaqiijiyay gudaha magaalada kaga cararay gaadiid dagaal iyo maydad daadsan kadib markii dagaalku xoogaystay.
Weli tiro sugan lagama hayo khasaaraha dagaalka balse goob-joogayaal ayaa sheegaya in luuqyada qaar iyo jidadka lagu arkayo maydad yaalla.
Dagaalka Caawa aya bilowday kadib markii Ciidamada Somaliland si bareer ah u dileen mid kamid ah haldoorka Laascaanood.
PUNTLAND POST