Taliska Booliska dowladda ayaa war ka soo saaray qarax fiidkii laga maqlay nagaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in koox sharwadayaal ah ay bomba-gacmeed ku tuureen nawaaxiga garoonka kubadda cagta Boosaaso islamarkaan aanu wax khasaare ah geysan qaraxaas.
“Taliska Ciidanka Booliska Puntland waxay ku wargelinayaa shacabka Magaaladda Boosaaso in abaare 8:20 PM fiidnimo caawa koox sharwadayaal ah ay Bambo-gacmeed ku tuureen agagaarka Garoonka Kubadda cagta ee magaaladda Boosaaso kaas oo aan wax khasaare ah geysan” ayaa lagu yiri Qoraalka.
“Ciidanka Booliska ayaa goobta gaaray waxayna wadaan baaritaan arrintaa ku saabsan. Guud ahaan dadweynaha magaaladda Boosaaso iyo Puntland waxaanu ku wargelinayaa in cid walba falal amniga lid ku ah geysta gacanta lagu soo dhigayo, sharcigana ha hor-geyn doono” ayuu sii raaciyay Qoraalka.
PUNTLAND POST