Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabay guddi doorasho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay guddiga kumeel gaarka ee doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11aad.

Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxa ay kala yihiin:

1. Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici
2. Cabdirisaaq Diiriye Warsame
3. Cabdi Hiis Udan
4. Cabdishakuur Abiib Hayir
5. Cabdullaahi Cabdi Aden
6. Mowliid Mataan Salaad
7. Maxamed Aadan Cismaan Yare
8. Yusuf Cabdikaadir Maxamed
9. Zahra Cabdiraxmaan Maxamed

Ra’iisul Wasaaraha oo xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddigan cusub ayaa waxa uu faray in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufnaan iyo caddaalad ay ku jirto.

PUNTLAND POST