Maamulka Gobolka Bari oo mamnuucay shirar aysan dowladdu fasixin

Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa mamnuucay in Boosaaso lagu qabto shirar siyaasadeed oo aysan la socon dowladda

Warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa lagu amray xarumaha shirarka lagu qabto in aysan marti-gelin shir aan lala socod-siin dowladda.

Warqadda ayaa lagu sheegay in mudda kooban la joojiyay in magaalada lagu qabto shirar aan fasax qoraal ah ka haysan dowladda.

Taliska Booliiska ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in ay si dhow uga shaqeeyaan hirgelinta go’aankan dowladeed.

PUNTLAND POST