Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay iska hor-imaad dhexmaray ciidamada Somaliland iyo dabley ka caraysan shacabkii lagu laayay magaalada.
Saldhig Ciidamada Somaliland ku leeyihiin xaafadda lagu magacaabo Durdurka ee Laascaanood ayaa la soo weriyay in iska hor-imaadkaas ka dhacay.
Labada dhinac ayaa isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada welise faahfaahin sugan lagama helin khasaaraha ka dhashay.
Dhinaca kale bara-kac xooggan ayaa saaka weli ka socda magaalada waxaana xiran xarumaha ganacsiga iyo kuwa adeeg-bixinta marka laga reebo isbitaallada.
Isbitaallada Laascaanood ayaa la tacaalaya dhaawacyada shacabkii ay laayeen ciidamada Somaliland oo qaarkood xaalad culus ku sugan yihiin
PUNTLAND POST