Xasan Sheekh oo booqday ciidamadii lagu soo tababaray Ereteriya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeeray xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan qaybta ilaalo qaran gaar ahan gaaska koowaad ee Duufaan ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka looga ciribtirayo argagixisada.

“Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ciidamadan oo tababar qaadanayay muddo saddex sano ka badan ayaa maalmihii la soo dhaafay diyaarado looga soo daabulayay Ereteriya, waxaana weli dalkaas tababaro dheeri ah ugu haray qaar ka mid ciidamada, sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh.

PUNTLAND POST