Urur siyaasadeedka Mustaqbal ee Puntland ayaa ka horyimid diiwaan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod oo loo ballansan yahay saddex maalmood kadib.
Xubno ka tirsan urur siyaasadeedka Mustaqbal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan urur ahaan diyaar u ahayn diiwaan-gelinta.
Urur siyaasadeedkan ayaa ku biiray urur siyaasadeedyada diidan diiwan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod oo sida la sheegayo aan weli siyaasad ahaan looga heshiin.
Mideeye, Horseed, Dhalinyarada iyo garab kamid ah urur siyaasadeedka Shaqaalaha ayaa sidoo kale horay u diiday diiwaan-gelintan.
PUNTLAND POST