Roobabkii ka da’ay Puntland oo go’doomiyay Gobolka Gardafuu

Roobabkii u danbeeyay ee Todobaadkan ka da’ay Puntland ayaa gooyay jidadkii loo mari jiray Gobolka Gardafuu.

Odayaasha Gobolka qaarkood ayaa noo sheegay in roobabku gooyeen dhammaan jidadka gala Gobolka Gardafuu taas oo xannibtay isu socodkii dhinaca barriga.

Gobolka Gardafuu ayaa hadda ka go’doonsan dhinaca barriga waxaana keliya oo u furan dhanka badda sida ay sheegeen odayaasha.

Roobab mahiigaan ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ka da’ay inta badan degaannada Gobolka Gardafuu.

PUNTLAND POST