Guddoomiye Aadan Madoobe oo soo jeediyay in guddi loo saaro arrinta gobolka Sool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo jeediyay in guddi loo saaro arrinta gobolka Sool.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo soo xiray kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shacabka lagu dhibaataynayo magaalada Laascaaanood, wuxuuna ku baaqay in loo turo.

Magaalada Laascaano oo dadka qaarkii ka barakaaceen waxaa ka taagan xaalad banii’aadanimo oo adag, waxaa shacabka ka go’an adeegyada asaasiga ah qaarkood.

Kacdoonka shacabka reer Laascaanood ayaa galay maalintii sagaalaad, waxayna ciidamada Somaliland ay weli isku dayayaan in ay awood ku joojiyaan kacdoonkaas.

PUNTLAND POST