Golaha Shacabka oo diiday hindise sharciyeedka ay u soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 7-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka maanta oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee hindisa sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman, iyo warbxinta xildhibaannada deegaan doorashooyinkoodu ugu maqnaa la dagaalanka Al-shabaab.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka warbixin ka siiyey hindise sharciyeedka cunaqabatayn maaliyadeed ee cayiman. Wasiirka ayaa sharraxaad ka bixiyay sharcigan, wuxuuna tilmaamay in sharcigaani wax ka bedeli karo nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Balse xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa soo jeediyeen in dib loo saxo qaladaad ay sheegeen in uu ka jiro buugga loo qeybiyay Golaha.

Dhanka kale Xildhibaannada qaar ee Golaha Shacabka ayaa ka warbixiyay xaalada deegaan doorashooyinkooda kuwaaso kala matalaayay Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, iyagoo sheegay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagaxisada lana gaarsiiyo gargaar deegaannada laga saaray Al-shabaab.

PUNTLAND POST