Barakac xooggan ayaa ka bilowday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool halkaas oo maalintii shanaad Ciidamada Somaliland ku laynayaan dad shacab ah.
Dhawaqa hubka ayaa saaka laga maqlaya dhammaan xaafadaha Laascaanood waxaana gebi ahaanba gacanta ka sii baxaysa xaaladda magaalada.
Dadka rayidka ah ayaa u bara-kacaya degaannada ka baxsan Laascaanood xilli Gobolka Sool oo dhan laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan.
Kacdoonkan shacabka ayaa marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya halka Somaliland weli u isticmaalayso awood ciidan.
PUNTLAND POST