Roobab ayaa saacadihi la soo dhaafay ka da’ay Gobollada kala duwan ee Puntland.
Roobabka ayaa laga soo sheegaya in ay xalay iyo saaka ka da’een degaanno ka tirsan Gobollada Bari, Gardafuu, Haylan, Sanaag, Karkaar iyo Nugaal.
Roobabka ugu badan ayaa ka da’ay Gobollada Bari iyo Gardafuu waxaana weli iska soo daba dhacaya xogaha Roobka.
Sidoo kale cimilada ayaa cimilo-roobaad ayaa weli ka muuqata Gobollada qaarkood waxaana cirka saaran daruuro biyaysan.
PUNTLAND POST