Bulshada Gobolka Mudug ee Puntland oo ay hoggaaminayaan Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shir maalmahan uga socday Gaalkacyo.
War-saxaafadeedka ayaa lagu cambaareeyay shacabka Ciidamada Somaliland ku laayeen Gobolka Sool gaar ahaanna magaalada Laascaanood waxaana lagu sheegay in bulshada Gobolka Mudug ay garab taagan yihiin walaalahooda Gobolka Sool.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in bulshada Gobolka Mudug ay aad uga xun yihiin sida xukuumadda Deni ay af-hayeen ugu noqotay Somaliland oo xasuuqaya shacabka Laascaanood halkii ay ka difaaci lahayd.
Dhinaca kale war-saxaafadeedka ayaa looga hadlay muranka ka taagan doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland waxaana laga digay in qalalaase ka dhasho.
Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.