Xasan Sheekh: Somaliland xal aan xabbad ahayn haku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxanuud ayaa ugu baaqay Somaliland in xal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii birmo-geydada ahaa ee dileen ciidamada Somaliland waxa uuna xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaas.

PUNTLAND POST