
Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaal toos ah oo maanta ka qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Dagaalka ayaa maanta bilowday kadib markii ciidamada Somaliland ay rasaaas la dhaceen shacab maalintii afraad muddaharaad ka samaynayay Laascaanood.
Iska hor-imaadyo hubaysan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland dadka degaanka ayaa ka dhacay magaalada welina sii xoogaysanaya.
Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka weli ka socda Laascaanood.
Marxuum Bidde Faarax Caalin oo kamid ahaa culimada iyo haldoorka Laascaanood ayaa kamid noqday dadka ku dhintay dagaalka halka uu dhaawac yahay Taliyiyii Qaybta Booliiska Gobolka Sool ee Somaliland G/sare Cali Axmed Shire.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.