Wararkii u danbeeyay ee xaaladda magaalada Laascaanood oo weli cakiran

Suuqyada iyo xarumaha Ganacsiga Laascaanood ayaa gebi ahaanba saaka xiran waxaana kacsan xaaladda magaalada.

Shacabka Laascaanood ayaa maalintii saddexaad wada muddaharaad looga horjeedo dilalka qarsoon iyo kuwa muuqda ee lago hayo dadka reer Laascaanood.

Ciidamada Somaliland ayaa intii muddaharaadkan socday Laascaanood ku laayay dad rayid ah oo dhalinyaro u badan halka ay qaar kalena ku dhaawaceen.

Dhaawacyada shacabka oo qaarkood culus yihiin ayaa jiifa xarumaha kala duwan ee caafimaad iyo isbitaalka guud ee Laascaanood.

Mas’uuliyiin xilal ka haya Somaliland oo ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa sidoo kale  ku wajahan Laascaanood si ay u dejiyaan xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada.

PUNTLAND POST