Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa weli ku dhici la’ in ay ka hadlaan dhibaatada ka taagan Laascaanood.
Labada mas’uul ayaa ololihii doorashada Puntland ee 2019 ku galay xoraynta Laascaanood waxaase hadalkaas ugu danbaysay markii kursiga loo doortay.
Siciid Deni iyo Axmed Karaash sidoo kale kama tacsiyayn dadkii rayidka ahaa ee ciidamada Somaliland ku laayeen magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Sidoo kale xildhibaannada Puntland ee laga soo doorto Gobolka Sool weli kama tacsiyayn shacabka lagu laayay Laascaanood.
PUNTLAND POST