Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaandhiga Kenya oo ka wadahadlay labo qodob

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga ee Kenya Aadan Barre Ducaale, oo ay ka wadahadleen Iskaashiga amniga iyo sidii dib loogu furi lahaa xuduudda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa isla soo qaaday ahmiyadda ay leedahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga xagga amniga, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo dowladda Soomaaliya ka gaartay guulo waaweyn.

Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen qaabkii dib loogu furi lahaa xuduudda labada waddan ee deriska ah, si ay u sahlanaato isu socodka iyo ganacsiga labada dhinac ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya ayaa qayb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo Jubaland ku sugan, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

PUNTLAND POST