Laascaanood (Faallo)— Cabsi baan ku noolaa ka hor inta aan ahaa xubin gole deegaan ee Laascaanood. Ugu yaraan afar qof oo aan la soo shaqeeyay bay dileen kooxo aan haybtooda la aqoonin. Maamulka Somaliland wuu ogaa inaan sandareero shaqada ugu xishay. Ma kala jecla in xildhibaan la dilo ama inuu badbaado. Maamulka ayaaba aalad u ah ciidan beeleed inuu gadoodo laga cabsado.
Dilalka qorsheysan lagu beegsanayo siyaasiyiinta iyo hawlwadeennada ku sugan Laascaanood taabacsan maamulka Somaliland way kordheen tan iyo markii 1700 oo Soomaali ah Laascaanood qasab looga barakiciyay 2021kii.
Maleeshiyada sida gaar ah ay Somaliland u masruufto waxay isku urursadeen Galbeedka Laacaanood oo ah meel ay siyaasiyiinta iyo hawlwadeennadu u guureen. Xoogagga beegsnaya siyaasiyiinta iyo hawlwadeennada u shaqeeya Somaliland waxay cabsi joogto ah ku abuureen qof kasta oo uga shaqeeya Laascaanood maamulka Somaliland ama xisbi Somaliland ka jira ka tirsan.
Xoogagga qarsoon way ka saameyn weyn yihiin dhaqdhaqaaqyadii hore oo ku kallifi jiray Somaliland inay sii maalgeliso maleeshiyada. Kooxda dilalka qorsheysan fulisa waxay tuseen dadka in sheegashada metelaad siyaadadeed oo sharcidarro ah laga dheefo cabsi iyo suurtagalnimada in siyaasigu ama hawlwadeenku isu loogo halis uu ku dhaawacmi karo ama nafta ku waayi karo.
Somaliland ma xallin karto dilalka qorsheysan waayo ku tiirsanaanteeda maleeshiyo beeleedka Laascaanood ayaa koobaysa awoodda ay kula shaqayn karto kooxo iska soo horjeeda. Somaliland waxaa Laascaanood keensaday siyaasiyiin qaarkood Puntland wax ka asaaseen. Siyaasiga ama xubin gole deegaan sheeganaya inuu metelo Sool isagoo ku tiirsan Somaliland wuxuu sirayaa naftiisa. Siyaasiyiin iyo hawlwadeenno is casilay ayaa iskaga tagay Laascaanood waayo xoogagga dilalka qorsheysan fuliya ma kala soocaan kan weli u shaqeeya Somaliland iyo kii u shaqayn jiray.
Waxay u badan tahay inaysan diiwaangelin codbixiyeyaasha ka dhici doonin Sool. Cataash iyo Xaglatoosiye oo kala wata laba urur siyaasadeed ayaa candhuuftooda dib u liqay. Somaliland ma sii maalgelin karto maleeshiyo beeleed aysan runta ula bareeri karin. Dambiyo badan bay maleeshiyadu geysteen. Dadka gaboodfalka geystay iyagoo u shaqaynaya maamulka Somaliland waxay mutaysan doonaan ciqaab. Maamul aan heshiis lagu ahayn kama shaqayn karo magaalo.
Casharka ugu weyn laga bartay amnidarrada Laascaanood ka taagan waa in dhowr siyaasi yihiin xuddunta siyaasadda qabqablenimada ka tisqaadday Laascaanood Oktoobar 2007. Waa meel ka dhac in kuwa dadka dhibaateeya haldoor lagu tilmaamo marka ay dhibbane u noqdaan weerarro qorsheysan. Kuwa hadda is casila oo dadkooda cafis weydiista waxay heli doonaan fursad ay nolol cusub oo aan ahayn dambi ku noolaansho. Cabsida ka muuqata wajiga Duqa Magaalada Laascaanood ayaa muujinaysa in xaalku ka sii daran yahay cir kaa dheer, dhul kaa dheer.
You must be logged in to post a comment.