Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xarigga ka jaray xarunta AGA ee Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa si wadajir ah maanta xarigga uga jaray xarunta dhexe ee Akadeemiyad Goboleedka Af- Soomaaliga (AGA) oo laga
hirgeliyay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Difaaca Dalka Kenya Aadan Barre Ducaalle ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta ka qaybgalay xafladda furitaanka Akademiyad Goboleedka Af- Soomaaliga ee (AGA).

Xaruntan waxaa February 2015 dhagax-dhigay Xasan Sheekh Maxamuud oo markaasna ahaa madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Daahfurka xaruntan ayaa sababtay in maalintii labaad ay xirnaadaan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, taas oo saameysay ganacsiga, waxbarashada iyo xoogsatada.

PUNTLAND POST