Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in ay hal hay’ad isku yihiin Al-shabaab iyo Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in Al-shabaab iyo Somaliland ay ku midaysan yihiin laynta shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa si adag u cambaareeyay dilalka qorshaysan ee lagu hayo dadka Reer Laascaanood waxaana uu dilalkaas ku eedeeyay Somaliland.
” Hal hay’ad ayay isku yihiinAl-shabaab iyo Somaliland waana wada-shaqaystaan waxaana Laascaanood dadka ku laaya waa Somaliland iyo Al-shabaab oo wada-shaqaynaya” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa sidoo kale cambaareeyay dadkii rayidka ahaa ee shalay ciidamada Somaliland ku laayeen magaalada Laascaanood kadib muddaharaad halkaas ka dhacay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.