Dowladda Federaalka oo ka hortimid shidaal laga baarayo Somaliland

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay wasaaradda si dhow ula socoto howl-gal sharci darro oo la doonayo in shidaal looga baaro gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee loo yaqaano Somaliland, taas oo ay fulineyso shirkad lagu magacaabo Genel Energy PLC oo sheegtay in ay fasax u heysato baarista iyo ka faa’ideysiga kheyraadka batroolka ee Soomaaliya.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si cad u diidday sheegashada Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay sharci ay batroolka ama shidalka uga baarto gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland).

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday shirkadda Genel Energy PLC in ay joojiso sheegashada sharci darrada ah ee ay ku leedahay xuquuqdeeda batroolka iyo inay fuliso hawlgal shidaal oo xadgudub ku ah Soomaaliya.

PUNTLAND POST