Xukuumadda Puntland ayaa Garsoor rasmi ah u aqoonsan Garsoor dhaqameedka sida ay shaacisay Wasaaradda Caddaaladda Puntland.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda ayaa lagu sheegay in xafiisyada Garsoor dhaqameedka Puntland ay yihiin hanti dowladeed oo kamid ah xarumaha adeeg bixinta dowladda.
Dhammaan Isu-duwayaasha Wasaaradda ee Gobollada ayaa lagu amray in ay ku shaqeeyaan xarumaha Garsoor dhaqameedka ee Wasaaraddu ku leedahay Gobollada Puntland.
Mas’uuliyiinta dowladda Puntland ee ku sugan Gobollada gaar ahaanna kuwa Garsoorka ayaa sidoo kale lagu amray in ay si dhow ula shaqeeyaan Isu-duwayaasha Wasaaradda ee heer Gobol.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.