Duulimaadyada Muqdisho oo berri la hakiyay

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa berri oo arbaco ah hakisay duulimaadyada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Hakinta duulimaadyada Muqdisho ayaa la xiriirta imaanshaha wafuud uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinta berri ku soo wajahan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti uu ka qeybgalayo munaasabad xariga looga jarayo dhismaha xarunta ee cusub Akademiyada afka Soomaaliga oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweyne ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan la qaadan doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ku shirsan magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST