Duqa Gaalkacyo oo musuq maasuq ku eedeeyay hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah

Duqa degmada Gaalkacyo ee Puntland Xasan Jidka ayaa sheegay in ay musuq maasuq badan sameeyaan hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka hawlgala Gobolka Mudug.

Duqa Gaalkacyo ayaa sheegay in Rag u dhashay Gobolka oo ka hawlgala hay’adaha Caalamiga ah ay musuq maasuq ku sameeyaan kaararka loo qaybiyo dadka masaakiinta ah.

Xasan Jidka ayaa sidoo kale tilmaamay in musuq maasuq hareeyay dhammaan mashaariicda kala duwan ee hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ay ka fuliyaan Gobolka Mudug.

Hay’adaha kala duwan ayuu sidoo kale ku eedeeyay in aysan u hoggaansamin nidaamka dowliga ah islamarkaana ay fulinayaan mashaariic aysan dowladdu wax ka ogayn si aan loola xisaabtamin.

Mas’uuliyiinta hay’adaha ka hawlgala Gobolka Mudug weli kama jawaabin eedaynta uu u jeediyay duqa degmada Gaalkacyo oo aysan Puntland Post si madax-bannaan u xaqiijin.