
Ugu yaraan lix ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ay ciidamada Somaliland ku fureen shacab muddaharaad ka samaynayay Laascaanood.
Dadweyne ka caraysan dilalka qorshaysan ee ka socda Laascaanood ayay ciidamada Somaliland ku fureen rasaas si ay u kala cayriyaan.
Waxaase falkaas ka dhashay dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray dadka rayidka ah ee muddaharaadka samaynayay.
Dhaawacyada shacabka ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka magaalada Laascaanood si xaaladooda loola tacaalo.
Dhinaca kale ciidamada Somaliland ee ku sugan Taliska Gooja-cadde ayaa loo daabulay dhinaca Laascaanood si loo xakameeyo muddaharaadka ka socda magaalada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.