
Badweynta Hindiya ayaa fatahaad ku samaysay qayba kamid ah degaanka Garacad ee Gobolka Mudug sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degaankaas.
Biyaha badda ayaa marba marka ka danbaysa u sii fidaya dhinaca magaalada waxaana meesha ka baxay camuudii u dhexaysa badda iyo berriga.
Mas’uuliyiinta degaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay fatahaaddan oo laga cabsi qabo in ay sii fiddo haddaan wax laga qaban.
Fatahaaddan ayaa la rumaysan yahay in ay sababtay isbeddelka cimilada adduunka (The Climate change) ee sii kululaanaysa.
Garacad ayaa kamid ahayd degaanno xeebeedyo ka tirsan Soonaaliya oo ay ku fatahday bad weynta Hindiya sannadkii 2004 kadib Tsunami ka dhacay dalka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.