
Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa gaaray degmada Qardho oo ay ku soo dhaweeyeen Gudoomiyha gobolka Cabdi Siciid,Taliyaha qaybta gobolka Cabdirasaaq Faarax Warsame,saraakiil iyo masuuliyiin kale.
Ujeedka safarka wafdiga taliyaha ayaa ah kormeerka xaalada amni ee Gobolka Karkaar iyo deegaanada ku xeeran.
Taliyaha ayaa kulamo laqaatay maamulka gobolka oo ay weheliyaan taliska qaybta masuuliyiinta ayaa Taliyaha lawadaagay xaalada amni howlagaladii laqabtay,shirka ayaana ku soo dhamaaday guul.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.