
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku dhawaaqay in la dhisayo guddi qaabilsan ilaalinta anshaxa iyo sharafta doorashooyinka qof iyo cod.
Qoraal dheer oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa lagu xusay in ay muhiim tahay dhismaha guddi qaabilsan anshaxa iyo sharafta doorashooyinka qof iyo cod.
Madaxweynaha Puntland faahfaahin kama bixin sida loo dhisayo guddiga ilaalinta anshaxa iyo sharafta doorashada islamarkaana kama hadlin shaqada uu qaban doono guddigaas.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhammaan la xallin doono cabashooyinka ka yimid soohdimaha degmooyinka ka hor inta aan la bilaabin diiwan-gelinta cod-bixiyaasha ee muddaysan shanta bisha kowaad ee sannadka cusub 2023.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.