Muxuu yahay ajandaha shirka Muqdisho uga furmay Madaxda Soomaaliya?


Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirkii 4-aad ee yeeshaan Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir tan iyo intii uu xilka hayay Masaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaluya ayaa lagu sheegay in shirkan madaxdu ku odorayso federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo la xusay in ay qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ay iska xog-wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Shirkan ayaa soo aadaya, iyadoo xiisad siyaasadeed ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, taas oo la xiriirta muddo kordhinta hal sano ah ee madaxweyne Laftagareen oo diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ee la magac-baxay (Midowga Musharaxiinta) ayaa 23 bishan ka digay in Madaxweyne Laftagareen ka qaybgalo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho, iyagoo ku eedeeyay in uu shacab ku xasuuqay Baydhabo.

PUNTLAND POST