Madaxda Soomaaliya oo ku shiraya Muqdisho

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya kuwa dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta oo isniin ah la filayaa in uu shir uga furmo magaalada Muqdisho.

Shirkan oo daba socda shirarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran waxaa inta badan diiradda lagu saari doonaa arrimaha siyaasadda iyo amniga ee dalka.

Shirkan ayaa soo aadaya, iyadoo xiisad siyaasadeed ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, taas oo la xiriirta muddo kordhinta hal sano ah ee madaxweyne Laftagareen oo diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ee la magac-baxay (Midowga Musharaxiinta) ayaa 23 bishan ka digay in Madaxweyne Laftagareen ka qaybgalo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho, iyagoo ku eedeeyay in uu shacab ku xasuuqay Baydhabo.

PUNTLAND POST