
Xildhibaan Ilhan Cumar oo maalmahan booqasho ku joogtay Puntland ayaa ku wajahan magaalada Muqdisho.
Marwo Ilhan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Maraykanka ayaa Khamiistii lagu soo dhaweeyay caasimadda Puntland ee Garoowe.
Ilhan ayaa sidoo kale booqatay degmooyin ka baxsan caasimadda oo ay ku jiraan Qardho iyo Bander-beyla halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda kale ee dowladda sidoo kale ayaa lagu wadaa in ay Muqdisho kula kulanto.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.