Kismaayo: Maxay ka wada hadleen Aadan Barre Ducaale iyo Axmed Madoobe?

Wasiirka Difaaca dalka Kenya Aadan Barre Ducaale oo kormeer ugu yimid ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalgalka ATMIS ayaa maanta magaalada Kismaayo kula kulmay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen diyaargarowga la dagaalanka howlgalka kooxda Al-shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo tageerada ciidamada dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS.

“Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo tageerada Ciidamada Dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS ee qeybta ka ah howlgalada dhawaan bilaabanaya” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa si qoto dheer u lafa guray sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha mudada ay socdaan howlgaladan” ayaa lagu daray.

PUNTLAND POST