Ilhaan Cumar oo beenisay in loo diiday Boosaaso

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Wakiilada Maraylanka ayaa been-abuur ku tilmaantay in laga hor istaagay socdaal ay ku tegi lahayd Boosaaso.

Marwo Ilhaan Cumar oo wareysi gaar ah siisay BBC-da ayaa sheegtay in ay waxba kama jiraan yihiin wararka ku saabsan in laga hor istaagay Boosaaso.

” Waxba kama jiraan warka ah in Boosaaso la iga hor istaagay arrintaas waa been abuur” ayay BBC-da u sheegtay Ilhan oo ku sii jeeday Muqdisho.

Sidoo kale waxay sheegtay in ay horumar fiican ku soo aragtay degmooyin ka tirsan Puntland oo ay booqasho ku tagtay.

PUNTLAND POST