Sidee Maamulka Somaliland Wax Uga Dheefayaa NDAA?

Madaxweyne Biden ayaa saxiixay Xeerka Awoodsiinta DIfaaca Qaranka (National Defence Authorization Act).

 

Muqdisho (Wararka PP) — Shalay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa saxiixay Xeerka Awoodsiinta DIfaaca Qaranka (National Defence Authorization Act).  Misaaniyadda xeerku waa 777 bilyan oo doollar. Waa markii ugu horreysay oo ay dowladda Maraykanka soo nooleysay qeyb ka mid siyaasaddii laba-gardaaqa (Dual-track) ku wajahan Soomaaliya oo leh dowlad aan ku meelgaar ahayn.  

Guddi ka kooban laba xisbi (Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga), oo xeerka ansixintiisa kaalin ku lahaa ayaa sheegay in “joogista Maraykanku joogo Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas ay tahay fursad ay ku xoojinayso iskaashiga amni iyo wadashaqayn ay la wadaagto Somaliland … in kastoo dowladda Maraykanku aysan u aqoonsanayn Somaliland dal…laakiin ay la wadaagto dano kaabaya gaaritaanka ujeeddooyinka militari ee Maraykanka”.

Iskaashig amni wuxuu iskugu jiri doonaa samaynta dhoollatusyo wadajir ah, wadaagista xogta sirta, kuwaas oo uu Maraykanku u arko inay waxtar u leedahay kobcinta xasilloonida gobolka iyo amniga badda iyo soohdinta, gacan ka geysashada ka hortagga tahriibinta dadka, dhoofinta sharcidarrada ah ee duurjoogta, hubka iyo badeecooyinka sharci-darrada ah.

Guddiga xeerkan ansixintiisa diyaariyay ayaa bisha Janaayo 2023 soo gudin doona warbixin ku saabsan Soomaaliya. Maraykanka ayaa ku qanciyay maamulka cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya inaysan is hortaagin ama u arkin iskaashiga amniga mid lid ku ah qarannimada Soomaaliya inkastoo iskaashi noocaas oo kale uusan Maraykanku la saxiixanin dal kale oo ka mid ah Afrika. “Siyaasadda Maraykanku waxay dhabar-jebisay dowlad-dhisiddii Soomaaliya ku howlanayd muddada dheer, weliba waxay sii hurinaysaa muranka dhuleed dhex yaalla Puntland iyo Somaliland” ayuu yiri diblomaasi hore uga tirsanaa Wasaaradda Arrimmaha Dibedda Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland oo la taagan madax Maraykan ah

Dowladda Federaaka Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin iskaashiga amniga dhexmari doonaa Maraykanka iyo maamulka Somaliland.“ Soomaaliya ma aha oo keliya dal ku hoos nool Xeerka Cutubka 7aad (Chapter 7) oo ah mid la dul dhigo dalalka loo arko inay halis ku yihiin amniga dunida, waa dal dowladaha Galbeedku kula dhaqmayaan siyaasad dib u soo noolaynaysa colaado. “Dowladda Maraykanku waxay daaqadda ka soo gelisay siyaasaddeedii ‘dual-track’, waana meel-ka-dhac inay tixgelin weysay danaha amni ee Puntland markii ay iskaashiga amni maamulka Somaliland inay la yeelato go’aansatay. Waa iskaashi xasiloonidarro horseedi kara haddii aan si degdeg ah loo turxaan-bixinin” ayuu yiri xeeldheere amniga dalalka burburka ka soo kabanaya.

Dowladda Puntland ayaa samaynaysa wadatashiyo ku saabsan jawaabta ay ka bixinayso heshiiska iskaashi amni ee Maraykanka iyo maamulka Somaliland yeelan doonaan qeybna ka ah xeerka uu Madaxweyne Biden saxiixay.

 © Puntland Post, 2022