Doonni lagu waayay xeebaha Puntland oo laga helay dalka Yemen

Doonni kalluumeysi oo maalmo ka hor lagu waayay xeebaha gacanka Gardafuu ayaa laga helay xeebaha dalka Yemen.

Wararku waxay sheegayaan in dhammaan dadkii saarnaa doonnida ay bed-qabaan islamarkaana la geeyay magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Doonnidan oo u raran muwaadin reer Puntland ah ayaa ka dhooftay xeebta degmada Caluula waxaana ay kalluun u wadday dhinaca Yemen.

PUNTLAND POST