Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalkii Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee u dhexeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taageersan Midowga Musharaxiinta.

“Baydhabo waxa ka dhacay saaka, waa wax aad iyo aad looga murugoodu loogana xumaado. Ma joogno waqtigaan dhexdeena dagaallami lahayn ee waxaan joognaa xiligii aan cadowga iska xoreyn lahayn. Siyaasadda halaga wada hadlo, madaxda joogta hala dhowro kuwa hamigga lehna hala dhowro dadkana halloo turo” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta khudbad ka jeediyay masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada.

Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa saaka weeraray ciidamo joogay guri uu Baydhabo ku leeyahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed, waxaana dagaalkaas ku dhintay ilaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 15 kale.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa la xiriirta muddo kordhinta hal sano ah ee madaxweyne Laftagareen, taas oo diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ee la magac-baxay (Midowga Musharaxiinta) ayaa dhawaan sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed muda-xileedkiisu dhammaaday, uusana haysan wax sharciyad ah wixii ka danbeeya 19 December 2022.

PUNTLND POST