Ilhaan Cumar oo booqanaysa degaanno ka baxsan Garoowe

Marwo Ilhaan Cumar oo safar ku joogta Puntland ayaa lagu wadaa in ay booqato degaanno ka baxsan caasimadda Garoowe.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa gelinka danbe ee maanta ku sii jeeda magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Qaban-qaabada soo dhaweynta Ilhaan ayaa ka socota Qardho halkaas oo la filayo in ay caawa ku hoyato.

PUNTLAND POST