Xukame Liibaan Cali Food ayaa lagu waayay kiis la xiriira in uu ka tirsan yahay argagixisada Daacish.
Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo baaris ku samaysay Liibaan ayaa dib u soo celisay galkiisa.
Xeer Ilaalinta ayaa caddaysay in aysan wax kiis argagixiso ah ku helin Liibaan oo ku xukman laba sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dhoofinta geed-quwaaxa.
Xogaha ayaa intaas ku daraya in Liibaan rabo in uu iibsado inta uga hartay xukunka si uu xabsiga uga baxo.
PUNTLAND POST