Xildhibaan Ilhan Cumar oo lagu soo dhaweeyay Garoowe

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Golaha Wakiilada Maraykanka ayaa maanta oo Khamiis ah gaartay caasimadda Puntland ee Garoowe.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dadweyne kala duwan ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sidoo kale lagu wadaa in oo goor dhow ku qaabilo xarunta Madaxtooyada Puntland.

Marwo Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya gaar ahaanna Puntland.

PUNTLAND POST