Qaybtii ugu horreysay ciidamadii ku maqnaa Ereteriya oo yimid Muqdisho

Diyaarad siday qaybtii ugu horreysay ciidamada lagu tababaray dalka Ereteriya ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo ka qaybqaadan doona la dagaallanka Al-shabaab ayaa muddo sanado ah ku maqnaa dalka Ereteriya oo ay geysay dowladdii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana tiradooda guud ahaan lagu sheegay 5 kun oo askari.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmo ka hor sheegay in dhalinyarada ku maqan Ereteriya ay iman doonaan inta u dhaxaysa bisha aan ku jirto ee December iyo bisha soo socota ee Janaayo 2023.

Ciidamadan intii ay maqnaayeen waxaa warar been abuura ka faafiyay siyaasiyiin mucaaradsanaa dowladdii Farmaajo oo uu ka mid ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo sheegayay in ay ka qaybqaateen dagaalkii Itoobiya oo qaarkood ku dhinteen.

PUNTLAD POST