Madaxweynaha Puntland oo la kulmay ma’uuliyiinta degmada Jariiban

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Garacad ayaa xalay kulan la qaatay Guddoomiyaha degmada Jariiban  Calisiciid Abdinuur Khaliif  iyo Taliyaha saldhiga Axmed maxamed Afrax Taraafiko, oo ay weheliyaan Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Jariiban.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Degmada iyo deegaannada hoos yimaada, sida amniga, horumarka iyo Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland oo inagu soo fool leh.

Waxaa Kulanka Madaxweynaha ku weheliyey xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo Saraakiil Madaxtooyo.

PUNTLAND POST